DHAGEYSO: Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Dharkeenley oo Muqdisho lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goor dhow dileen ku gudoomiye ku xigeenka hore ee degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir.

Warar naga soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegaya in kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Gudoomiye ku xigeenka la dilay ayaa lagu magacabaa Cabdullahi Ibraahim Isbiimo

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxayna bilaabeen howlgalo lagu baadigoobaayo kooxihii dilka geystay.