Muqdisho-RisaalaFM- Rag hubeysan ayaa caawa gaar ahaan xilliga afurka waxa ay agagaarka Masjidka Cabdalla Cawareero, degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir ku dileen Guddoomiyihii ururka dhalinyarada degmadaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/wali Axmed Maxamed.
Dableyda ayaa C/wali markii uu salaada ka soo baxay Bastoolad ula soo baxay, kadibna wuu ka cararay, iyaga oo eryanaya ayay rasaas ku rideen, wayna dhaawaceen, intaasi kadib markii uu dhacay ayay kor tageen oo ay dileen, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.
Guddoomiyaha degmada Warta-nabadda Seynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) iyo Hay’adaha ammaanka ayaa markii ay baxsadeen dableyda tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka soo qaadeen meydka Marxuum C/wali.
Guddoomiyaha Warta-nabadda ayaa sheegtay falkan in ay caawa kulan deg deg ah ka yeelan doonaan, waxayna ciidamada ammaanka ku amartay in ay ka daba tagaan raggii dilay Guddoomiyihii ururka dhalinyarada degmada Warta-nabadda.
Allaha u naxariistee C/wali Axmed Maxamed ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon magaalada Muqdisho, waxaana dad aad u bargaranaya ay inoo sheegeen in bishan Ramadaan bilowgeedii uu guursaday.
Waxaa sida xarig goostay oo kale magaalada Muqdisho uga socda dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka dhaxalgalka u ah buslahada iyo masuuliyiinta dowladda, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, dowladda federaalka weli xal uma aanay helin in ay ka hortagto falalka amniga ka baxsan.



