Guddiyada Nabadda Gaalkacyo oo maanta kulan yeeshay

Kulan looga hadlaayay Nabadda Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf  ee Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo sidoo kale guddiyada Nabada Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug  dhinaca Galmudug Cabdirashiid Carte oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan Nabadeynta magaalada Gaalkacyo , islamarkaana adkeyn doonaan xabad joojintii ka hirgashay Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in ay go’antahay in aysan mardambe dagaal ka dhicin Gaalkacyo.

Guddiga Nabadeynta Gaalkacyo ayaa waxaa hogaaminaya Gudoomiyeyaasha gobolka Mudug ee maamulada Puntland iyo Galmudug.