Goormee ayuu dhacaya Shirka Nabadeynta iyo hormarinta gobolka Banaadir ?

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in 28 bishaan Muqdisho lagu qabanayo Shir weynaha Wadatashiga Nabadeynta iyo hormarinta gobolka Banaadir oo 7 bishaan u baaqday howlo Farsamo.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in Shirkaan uu muhiim u yahay bulshadda degan gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shirkaan ay kasoo qeyb gali doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Shirkaan ayaa lagu wadday todobaadii Bishaan in uu ka furmo Muqdisho, laakiin waxaa uu baaqday Markii Madaxweyne Farmaajo uu safar ku aaday qaar ka mid ah gobolada dalka.