Alisson ayaa ka qeybgalay tababarkii ugu horeeyay kooxda Liverpool, waxaana uu sheegay taageerayaasha dareensiiyeen sidii inuu joogo gurigiisa oo kale.
“Waxa ay aheyd maalin weyn oo aan sugayay,” ayuu goolhayaha u sheegay website-ka kooxda Liverpool.
“Maalmo yar ayaan kusoo qaatay qoyskayga, laakiin ma wada sugi karno inaan si dhaqso ah u helno xilli ciyaareedka cusub, waana maalinta ugu horeysa, waxaana dareemayaa inaan gurigayga joogo oo kale.
Alisson ayaa ku maqnaa fasax dheer ka dib markii uu qaranka Brazil kala qeyb galay koobka adduunka, iyadoo uu ku wehlinayay ninka ay isku wadanka yihiin ee Roberto Firmino.
Labada ciyaaryahan ayaa labo todobaad ka hor inta uusan Premier League bilaaban kusoo laabtay tababarka, waxaana ciyaaryahankii hore ee Roma uu kalsooni ku qabaa inuu diyaar u noqon doono kulanka ugu horeeya Premier League.




