
Gonzalo Higuain ayaa si cara leh uga dalbaday kooxdiisa AC Milan In uu u dhaqaaqo Chelsea, taas u muujinaysa xiisa waali ah.
Tababare Maurizio Sarri ayaana doonaya in uu la wadaago weeraryahanka Argentine, kaas oo ay iska soo shaqeeyeen Napoli.
Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Napoli, Juventus, iyo Real Madrid oo waqtigan amaah ku jooga Milan, ayaan ku qanacsanayn joogista garoonka San Siro.
Corierre dello Sport report ayaana baahisay in Higuain uu diyaar u yahay in uu kubiiro kooxda Chelsea.
Kooxda Stamford Bridge ayaa doonaysa in ay soo qaadato weeraryahan ay baddal uga dhigto Alvaro Morata, kaas oo ku fashilmay in uu helo kasoonida tababare Sarri.


