Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa maanta 12 Safiir soo gudbiyay Golaha Wasiirada, si loo meel mariyo balse raiisul wasaare Rooble ayaa amray in dib loo celiyo ka dib markii ay dood ka dhalatay.
Dib u celinta ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah Wasiirada ay ka keeneen dood ku saabsan habka awood qeybsiga, maadaama xubnaha la soo gudbiyay ay hal beel u badnaayeen.
Magacaabista Danjirayaasha cusub ayaa waxaa soo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq, waxaana xubnaha uu soo jeediyay ka mid ahaa ee Safiirada loo magacaabayo Wasiiru dowlihii hore Wasaaradda Arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Kheyr, Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirkii hore Cadaaladda Ilka Jiir iyo wiil uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax.