Golaha amniga ee UN oo dalbaday in la joojiyo degaameynta Israa’iil

Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa wuxuu meel mariyay qaraar ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharcidarada ah ee Israa;iil ay ka wado dhulka Falastiin.

Codeynta ayaa dhacday ka dib markii Mareykanka uu diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee Veto.

Qabyo qoraalka oo ay soo diyaarisay Masar ayaa dib loo celiyay ka dib markii Donald Trump uu sidaasi codsaday.

Balse, Dalal ay ka mid yihiin, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa diiday oo markale gudbiyay qoraalka.

Mareykanka ayaa horey loogu garanayay inuu is hortaago in UN ay cambaareyso Israa’iil.

Saraakiisha Israa’iil ayaa codeynta ka dib waxay cambaareeyeen sida Mareykanka uu u dhaqmay.

Wasiirka Tamarta ee Israa’iil, Yuval Steinitz wuxuu sheegay: “Kani maahan qabyo qoraal ku saabsan deegaameynta ee waa qaraar ka dhan ah Israa’iil, waa mid ka dhan ah dadka Yahuuda, iyo dalkooda”.