Wararka naga soo gaaraya degaano hoos yimaada Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in roobab xoogan oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada in ay ka da’een Gobolka Sanaag.
Degaanada ay roobabku ka da’een ayaa waxaa la sheegaya in ay ka jireen abaaro ba’an.
Roobabka oo la sheegay in ay wateen dabeeylo ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 500 oo neef oo ari ah.
Roobabka ayaa ka da’ay dhanka Buurleyda ee gobolka Sanaag.
Qaar ka mid ah dadka Xoolo dhaqata ah ayaa warbaahinta u sheegay in xoolo lagu qiyaasay 500 oo neef ay ku dhinteen roobabkaasi.


