Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Somaliland oo lagu waday in ay Maanta ka bilaabato Muqdisho ayaa waxaa ku yimid dib u dhac.
Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay shaqadooda ay tahay waqtiga ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare ee maamulka Somaliland in ay shaaciyaan.
Guddiga Doorashooyinka ee gobolada Waqooyi ayaa horay u sheegay in 24 ta bishaan oo ku beegan Maanta ay Muqdisho ay ka dhici doonto doorashada Aqalka Sare.
Waxaa Muuqata in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Guddiga doorashooyinka Heer federaal iyo sidoo kale Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi.


