Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka jawaabay dalabkii Dowladda Somalia, ee ahaa in dib loo dhigo bixida 3,000 Askari oo kamid ah Ciidamada ATMIS, kuwaas oo sida qorshuhu ahaa bixi lahaa dhammaadka bishan September.
Qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in codsiga Dowladda uu soo gaaray Golaha, hayeeshee ay kala hadlayaan Midowga Afrika oo ay hoostagaan Ciidamada ATMIS ee ka howlgallka dalka Soomaaliya, isla markaana caawiya Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay Midowga Afrika oo ay ciidamadan hoostagaan kala hadlaan arrinta bixitaanka.
Warqadda kasoo baxday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu faray Hay’adda UNSOS, in ay sii wado taageerada Cuntada, Shidaalka, duulimaadyada iyo taageerada Saadka ee ciidamada ATMIS ay siinayso, taas oo ku ekaanaysa ilaa 31-ka bisha October ee sanadkan 2023.
Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS oo ay taageerada sii siin doonto UNSOS, ayaa ah 17,626 Askari oo ATMIS ah, ayna ku jiraan 1040 Askari oo Boolis ah iyo 15,900 oo ah ciidamada xoogga dalka.
UNSOS, ma bixiso musharaadka ciidamada, waxaana la sugayaa jawaabta dalalka Midowga Yurub oo ah lacag bixiyeyaasha toos ah ee caawiya Soomaaliya, waxaana tani ay kusoo aadeysaa xilli Soomaaliya ay kujirto xaalad dagaal.
Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS, waxaana xusid mudan in Ciidamada ATMIS aysan ka qeyb qaadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.




