Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo dad ku geeriyooday

Qaraxaas waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey oo siku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuuna ka dhacay maqaayad u dhow Baar-bulsho oo ku taalla isgoyska Sayidka.

Maqaayadda uu beegsaday ninkaas waxaa la sheegay inay aheyd mid ay bulsho badan ku sugneed.

Waxaa jiro dhaawac iyo dhimasho balse lama oga tirada rasmiga ah ee dadka waxyeelafda ka soo gaartay qaraxaas.

Ciidamo katirsan laamaha Ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay. iyaga oo xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa goobta uu ka dhacay qaraxa.