Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee Al-Shabaab uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.
War kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah ay in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, ayna ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Sakariyeuu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday Al-Shabaab , laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh Al-Shabaab.



