Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug garabka dowladda ayaa diiwaangeliyay qaar ka tirsan Musharixiinta u tartamaysa xilka Madaxwayne ku xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddiga garabka dowladda ah ayaa sheegay in ay doonayaan in doorashadda ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.
sidookale Guddiga ayaa sheegay waqtiga Araaji qabashada lagu daray sadex maalmood maalinta Jimacahana uu shaqeyn doono Guddiga.
Guddiga waxa ay sheegeen in diwaangalintu ku egtahay Musharixiinta 26ka bisha janayo 2020.



