Ganacsade lagu dilay Magalada Muqdisho

Dilkaas ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa   Bakaaraha ee Magalada Muqdisho,waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in Nin hubeysan uu toogasho ku dilay Nin kale agagaarka Hotelka Shaam.

Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in Toogashada ka hor labada Nin ay wada murmeen,isla markaana mid ka mid ah uu bustoolad lasoo baxay dhowr xabadoodna uu ku dhuftay midka kale.

Wararka an heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka toogashada geystay uu Ninka kale ku lahaa lacag deyn ah,isla markaana uu ahaa Ganacsade.

Ninkii dilka geystay ayaa Goobta ka baxsaday,waxaana dhacdadaas aaad uga naxay Ganacsatada qaarkood oo yaqaanay Ninka la dilay,iyaga oo ka hor dilka isku-dayay inay labada nin dhex dhexaadiyaan balse aysan suurtagelin.

Dilalka qorsheysan iyo kuwa kale ee sida caadiga ah u dhaca ayaa ka dhaca Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka,hayeeshee majirto cid weli maxkamada loo soo taagay kuana eedeysan dilalkaas.