Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in ay guddiga u xilsaarto dhar ciidan oo dhawaan lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug , Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ku ammaanay ciidanka amniga Galmudug hawlgalka ay ku soo qabteen dharkan.
Madaxweyne Ku-Xigeenka ayaa ka codsadey Dowladda Federaalka Soomaaliya inay soo dhisto guddi soo baara arintan, guddigaasna uu ka yimàado Wasaaradaha Gaaashandhigga iyo Amniga ee DFS, iyo maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dareeskaas ciidan laga soo qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Mudug,islamarkaana loo waday Shabaabka ka dagaalama gobolka Mudug gaar ahaan ee degmada Xarardheere.


