Galmudug “Al-shabaab waan ka saareynaa deegaanadeena”

Cadaado-RisaalaFM- Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu qorsheynayo sidii ururka Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug si ay Al-shabaab uga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Waxaana uu shacabka maamulka Galmudug ugu baaqay in ay marwalba la shaqeeyaan ciidamada si looga guuleysto Al-shabaab ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in reer Galmudug ujeedadooda ugu weyn ay tahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa Galmudug, waxaana ciidamada Galmudug ay dhowaan howlgallo ka dhan Al-shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan Galmudug.