FT: United oo guul kale gaartay Chelsea oo la taakeeyay

Waxaa soo wada dhammaaday ciyaarihii caawa ee horyaalka Premier League-ga, iyadoo natiijooyin kala duwan ay kasoo baxeen.

Kullankii ugu xiisaha badnaa ayaa dhex maray kooxaha Bournemouth iyo Watford, waxaana ciyaartaas ay ku idlaatay 3-3 oo qaybta hore ee ciyaarta la iska dhaliyay.

Burnley ayaa 2-1 kaga adkaatay Huddersfield Town.

Halka Crystal Palace ay 2-0 ku dharbaaxeen Wolverhampton Wanderes.

Manchester United ayaa iyaduna waxa ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Newcastle Unites.

Goolasha United ayaa ka kala yimid Romelu Lukaku oo daqiiqaddii 64-aad dhaliyay iyo Marcus Rashford oo daqiiqaddii 80-aad shabaqa soo taabtay.

Chelsea ayaa iyaduna bareejo 0-0 la gashay kooxda Southampton.