Francisco Madeira oo xariga ka jaray Dugsi Ciidan

Muqdisho-RisaalaFM- Ambassador Francisco Madeira Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM ayaa xariga ka jaray xarun  cusub oo loogu talagalay kor u qaadidda aqoonta  ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Dhismaha xaruntaan oo bilowday  bishii December ee sanadkii hore, ayaa waxaa munaasabadii furitaanka ka qeyb galay saraakiil ka socotay qeybta tababarka Midowga Yurub, AMISOM iyo Taliska ciidamada Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa ahna Madaxa AMISOM, Ambassador Francisco Madeira, ayaa sheegay in howlaha tababarka ciidanka Soomaaliya uu qeyb ka yahay howsha loo idmaday,isla markaana loo diyaarinaayo sidii ay u buuxin lahaayeen kaalinta AMISOM.

Taliyaha guutada koowaad ee ciimada xoogga dalka Gen. Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub iyo AMISOM tababarka iyo taageerada ay ciidamada u fidiyaan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa jooga ciidamo badan oo ka socda Midowga AMISOM kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.