Facebook oo joojinaysa tabinnada tooska qaarkood

Shirkadda Facebook ayaa Ku dhawaaqday iney dajineyso nidaam lagu xaddidayo tabinta tooska ee Facebook laga tabiyo qaarkood, hadalka facebook oo imanaya laba toddobaad kadib markii uu dhacay weerarki lagu qaaday masaajidda ku yaalla dalka New Zealand.

 Sheryl Sandberg Madaxa howlgallada ee shirkadda Facebook ayaa sheegtay baaqa shirkadda uga yimid dhinaca baraha bulshada iney tixgelineyso islamarkaana ay waxbadan ka qabaneyso “ficillada neceybka wata” ee Facebook lagu baahiyo.

Dowladda New Zealand waxay sheegtay iney dib u eegis ku sameyneyso shuruucda dalka ayna ku soo dari doonto “hadallada iyo ficillada neceybka” ee ay shaqsiyaadka gudbiyaan shruudcdi looga hortagi lahaa.

Facebook waxay sheegtay “Muuqaalki tooska ahaa ee weerarki Chiristchurch uu toos uga socday Facebook iney daawadeen 200 oo qof muuqaalkana uu socday 17 daqiiqo, facebook waxay xogta muuqaalkaasi ay heshay oo ay joojisay 12 daqiiqo marka uu marayey.