Faahfaahino dheeraad ayaa kasoo baxay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Indonesia waxaana la sheegay in kunool deegaanka lagu magacaabo Tebet oo kuyaala Duleedka Koonfureed ee magaalada Jakarta Caasimada Dalka Indonesia .
Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu magacaa Axmed Maxamed , waxa uuna ahaa 19-sano jir kunoolaa magaalada Jakarta kana diiwaanagashanaa Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.
Dilka ayaa waxaa geystay kooxo gaangastraa sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonyahay oo kunool dalkaas,waxaana la sheegay in kooxaha dilka geystay gacanta lagu soo dhigay.
Nuradin A. Rahmat oo ah taliyaha goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay” waxaan ognahay in dilkaas ka dambeyeen kooxo gaangastaro marka hada gacanta ayaan kuheynaa waana afar nin” ayuu yiri taliyaha deegaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed.
Soomaali badan oo qaxootiya ayaa kunool dalka Indonesia waxaa kor kala socota UNHCR.


