Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay weerarka ka dhacay Jaamacad ay dowladda Mareykanka leedahay oo ku taalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in ay toogatay qaar kamid ah kooxihii hubeysanaa ee weerarka soo qaaday.
Ciidanka Booliska dowladda Afghanistan ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen 7 arday , 3 ka mid ah ciidanka Booliska iyo sidoo kale 2 ka mid ah ilaaladii Jaamacadda American University.

Dowladda Afghanistan ayaa sidoo kale sheegay in 44 qof oo u badan arday ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Taliyaha Waaxda Dambi Baarista ee booliska ee Kabul , Fraidoon Obaidi ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay toogteen laba nin oo ku hubeysanaa Qaraxyo iyo Qoryo ka dib markii ay isku dayeen in ay galeen xarunta Jaamacadda.
” Waxaan soo afjarnay weerarkii ka dhacay Jaamacadda , waxaana ku guuleysanahay in aan dilno kooxihii weerarka soo qaaday , waxa uu ahaa weerar la doonayay in lagu dilo ku dhawaad 750 arday oo sugnaa xarunta Jaamacadda , lakiin ilaah ayaa noo fududeeyay ardaydii badankood way badbaadeen” ayuu yiri Taliyaha Waaxda Dambi Baarista ee booliska ee Kabul , Fraidoon Obaidi.
Qaar ka mid ah ardayda ayaa bilaabay in ay ordaan oo ay darbiyada ka boodaan markii ay maqleen Rasaasta iyo sidoo kale Qaraxyada , waxaa sidaas sheegay dad goobjoogaal ah.

August 7 , laba khabiir , oo dhashay dalalka iyo USA Australian ayaa lagu afduubay qori caaradiis dalka Afghanistaan , waxaana dowladda aya sheegtay in ay wado baaritaano ay kusoo furanayso labadiisa Khabiir.
Ururka Taalibaan ayaa lagu eedeeyay weerarka ka dhacay Jaamacadda American Universitay ee dalka Afghanistan.


