Maxamed Cali Samatar oo maanta meydkiisa la keenaayo Muqdisho

Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno Meydka Alle ha u naxariiste General Maxamed Cali Samatar oo dhawaan ku dhintay dalka Mareykanka.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maanta lagu wado in general Maxamed Cali Samatar la keeno meydkiisa magaalada Muqdisho , ka dibna  aas qaran loogu sameeyo Muqdisho.

Qaban Qaabo xoogan ayaa ka socota garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Generala Maxamed Cali Samatar ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii Militariga , waxaana uu soo noqday Madaxweyne ku xigeen, Ra’iisulwasaare, iyo sidoo kale wasiirka gaashaandhiga.

General Samatar ayaa la sheegaya in uu Darajada ugu sareysa ka gaaray ciidamada Soomaaliya , taasoo ah sareeye Guud.