Meydka Sareeya Guud Jeneral Maxamed Cali Samatar oo Muqdisho la keenay “Sawirro”

Waxaa goor dhaweyd Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Meydka Allaha u naxariistee Sareeyo Guud Jeneral Maxamed Cali Samatar oo dhawaan ku dhintay  dalka Mareykanka.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, xilliga la soo dejinaayay meydka Marxuumka.

Sida qorshaha uu yahay waxaa lagu wadaa in aas Qaran loogu sameeyo Magaalada gudaheeda, balse ilaa hada ma cadda rasmi ahaan goobta lagu aasaayo, inkastoo Ciidamada ammaanka ay xireen wadooyin dhowr ah oo Magaalada ka tirsan.

S2-1-768x432 S1-1
S4 S3-1-768x432 S3-1-768x432 (1)