Faahfaahin Dagaal ka dhacay Gobolka Sool

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool gaar ahaan degaanka Ari Cadeeye ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal beeleed khasaare geystay.

Inta la xaqiijiyay 6 ruux ayaa ku dhaawacantay dagaalkaasi sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Dagaalkaan ayaa ka dhashay muran dhanka dhulka ah oo soo kala dhexgalay Labo beelood.

Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay, waxaana ay ku guuleysteen in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii dagaalamay.

Xaaladda degaanadii lagu dagaalamay ayaa Saakay degan sida ay idaacadda Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degaanka Ari Cadeeye