Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa caawa gacanta ku dhigay Hub iyo Gaari noociisu yahay Kaarib, kaas oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.
Qabashada Hubka iyo Gaariga Ayaa ka dambeysay kadib markii ay Ciidamada NISA howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda NISA ayaa SONNA u sheegay in talaabadan ay gacan ku siiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka laga soo qabtay Gaariga iyo Hubka kadib markii ay Hay’adda ku soo wargaliyeen qatarta shacabka Soomaaliyeed kaas oo Gaari karta Qaraxyadaasi.



