Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Hoggaanka ilaalinta Canshuuraha ee Boliiska Soomaaliya Gen; C/laahi Xasan Bariise ayaa SONNA u xaqiijiyay in Diyaaraddii sidday raashinka dhacay ee ay qabteen ciidamada ammaanku ay ku sii jeedday magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Generaal Bariise ayaa intaa ku daray inay Raashinkan ay lahayd Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, kaasoo ahaa mid ku raagay bakhaarro ku yaalla magaalada Muqdisho.
Raashiinkan ayaa isugu jira 100 shay oo kala ah galley ,Masaggo Caano boore iyo saliid ayaa ka mid ahaa gargaar ay Hay’addu horay ugu kaydisay Muqdisho,kaasoo dhaafay waqtigii isticmaalka.
Ciidamada ammaanka ee Garoonka Diyaaradaha Mgalaada Muqdisho ayaa gacanta ku haya mid ka mida shaqaalaha hay’adda WFP, kaasoo ay Boliisku xabsiga u taxaabeen.


