Faah faahin Qarax ka dhacay degmada Waaberi

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi ayaa waxa ay sheegayaan in Nabadoon Maxamed Xasan Qalinle oo ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Baarlamaanka uu galabta ka bad baaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhacay galabta, waxaana la sheegay in Nabadoonka la doonayay in la dilo.

Taliyaha Boliiska Qeybta gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxa uu ka bad baaday Nabadoon Maxamed  Xasan Qalinle, sidoo kalena khasaare uusan geysan Qaraxa.

Taliyaha Boliiska Qeybta gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sidoo kale shacabka kula dardaarmay in ay feejignaadaan falalka amni daro ee mararka qaar dhaca magaalada Muqdisho.

Dhowaanahan magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.