Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Iska hor imaad kooban oo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka ku dhexmaray Isgoyska Xaawo-taako Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Ciidanka xasilinta Muqdisho iyo Ciidamo kale oo hubeysan ayuu iska hor imaadkan si gaar ah u dhexmaray, sida uu warbaahinta Risaala u sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.
Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka xaslinta Muqdisho ay isku dayeen in ay hub ka dhigis ku sameeyaan ciidan ku sugnaa Isgoyska Xaawo-taako ee Degmada Wadajir, balse ciidankaasi ayaa ka hor yimid hub ka dhigis in lagu sameeyo oo waa ay dagaalameen.
Ciidanka isku dhafka ee ammaanka caasimadda qaabilsan, ayaa waayahan waxa ay wadaan qorshe hubka looga dhigayo ciidamada kale ee aan shaqada ku jirin ee magaalada hubka ku dhexwata.
Ciidanka xasilinta magaalada Muqdisho ayaa howlgallo waxa ay ka bilaabeen bartamahii bishan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Holwgalkan oo go,aankii ay leeyihiin Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ujeedkiisa waxaa lagu sheegay sidii Muqdisho looga yareyn lahaa Hubka.



