Baydhabo-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka AMISOM Gen. Cusmaan Nuur Subagle oo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu ka hadlay ujeedka halkaasi uu u tagay.
Taliyaha ayaa kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidanka AMISOM ee Saktarka Saddexaad.
Waxa uu sheegay AMISOM in ay kala hadleen sidii bishan Ramadaan loo qaadi lahaa guluf colaadeed oo ka dhan ah ururka Al Shabaab ee ku sugan Degaanada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxa uu sheegay saraakiisha labada dhinac in uu kala hadlay sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran, si dadka loo gaarsiiyo gar gaar.
Warbixinta warakan waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed.


