AC Milan oo ku dhawaaqday saxiixa Mateo Musacchio

AC Milan ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca kooxda Villarreal Mateo Musacchio oo ay kula waregtay lacag lagu sheegay € 18 million.

daafaca dhexe ayaa hore loola xiriiriyay Tottenham, laakiin heshiis afar sanno ah ayuu u saxiixay kooxda ka dhisan San Siro.

AC Milan ayaa hore u shaacisay in ay heshiis hordhac ah ula sameysay daafacaan heerka caalami ee dalka Argentina.

Milan ayaa maanta si rasmi ah ugu soo bandhigtay xiradeeda ciyaaryahanka oo ku guuleystay tijaabada caafimaadka.