Jowhar-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Gaari Hoomey ah oo ka yimid degaanka biyo Cadde, kuna sii jeeday Magaalada jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Weerarkan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay inta u dhaxeysa degaanada War-dhagax iyo War-ciise, sida ay sheegeen dadka degaanka oo qaarkood inala hadlay.
Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhaawacantay Saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Jowhar.
Gaariga dadkan lagu weeraray ayaa inta badan wuxuu qaad geeyaa degaanka Biyo Cadde, iyada oo ilaa hadda aanan la ogeyn cida ay ka tirsan riyihiin raga weerarka geystay.
Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay weerar ku qaadeen Gaari Qaad siday, kuwaasi oo marayay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Bashiir Cali Daahir (Caana Boore), Radio Risaala, Magaalada Jowhar.


