Faah faahin Duqeyn Diyaaradeed oo xalay ka dhacday gobolka Gedo

Gedo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan xalay marka ay saacadu aheyd 11-ka Habeenimo Diyaarado in ay Duqeeyeen deegaankaasi.

Deegaanka Ceel-cade waxaa ku sugan Al-shabaab oo maamul ahaan ama ciidan ahaan ay ku sugan yihiin.

Gudoomiyaha deegaankaasi ugu magacaaban gobolka Gedo oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay in ay jirto Duqeynta sidoo kalena la bartilmaameedsaday saldhigyo Shabaab ay ku lhaayeen gobolka Gedo.,

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay xalay argagax ku seexdeen kadib markii Diyaarado ay dhowr Gantaal ku soo rideen deegaanka Ceelcade.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Duqeymahaasi ay geysteen khasaare laakiin ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeymaha Diyaaradahaasi.