Faah faahin: Diyaarad ku dhacday Garoonka Magaalada Jowhar

Diyaarad nuuca xamuulka qaada una rarnayd Ciidamada  ATMIS ayaa waxa ay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar kaddib markii ay ka baxday Dhabaha ay ku cararaan Diyaaradaha.

Dadka saarnaa ayaa la wariyay in laga bad baadiyay Diyaaraddaan dhacday ayna jirin khasaara soo gaaray.

Dadka qaar ayaa sheegay in uu diyaaradda dab qabsaday marka laga soo bad baadiyay Dadkii saarnaa in kastoo markii dambe lagu guulaystay in la damiyo dabka.

Madaxda Sare ee Hir-shabeelle iyo Maamulka Garoonka weli wax faah faahin ah kama bixin shilka Diyaaradeed ee Garoonka Jowhar ka dhacay.