DHAGEYSO:-Soomaaliya oo faah faahisay heshiiska baarista shidaalka oo ay la gashay Turkiga

Dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay inay kala saxiixdeen heshiis shidaal looga baadhayo Soomaaliya – bad iyo berriba. Heshiiskan ayaa looga dhowaaqay dalka Turkiga halkaasi oo ay ku kala saxiixdeen wasiirrada shidaalka iyo tamarta iyo khayraadka ee labada waddan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Alparslan Bayraktar.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah heshiiskii Iskaahsiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee bishii hore ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay heshiiska cusub oo ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaliya iyo Turkiga.