Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho lagu Aaso Alle ha u naxariistee Meydka Luul Cabdicasiis oo ah Haweeneeydii uu Ninkeedii gubay, balse dabkii ay u geeriyootay.
Muddo ka badan Bil ayuu kujiray meydkeeda firinjeer yaalla Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho kadib markii ehelkeeda ay cadaalad u raadinayeen, hayeeshee ugu dambeyn Maalintii Arbacadaha aheyd ee todobaadkaan Ninkii gubay dil toogasho lagu xukumay.
Goordhow ayaa Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho waxaa meydka Luul Cabdicasiis lagula dukaday Salaada Janaasada, iyada oo intaasi kadib lagu aasi doono qabuuro kuyaalla degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir.



