NISA oo xirtay Guddoomiyihii hore ee Dharkenley oo lagu Eedeeyay Shabaabnimo

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo NISA ay sheegtay in uu katirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda.

Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley.

Sida Warka kasoo baxay NISA lagu sheegay Abuukar ayaa Al-Shabaab kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxa ay caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Al-Shabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo Al-Shabaab caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha ay geystaan.

NISA oo heshay xogta Nunkan ayaa dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay u digeysaa cidkasta oo la shaqeysa Al-Shabaab, waxaana ka go’an adkaynta nabadgalyada muwaadinka Soomaaliyeed.