Faah faahin: Dagaal Caawa soo gaaray oo ka dhacay Mudug

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dagaal culus oo u dhexeeyey Ciidanka xoogga dalka, xoogagga deegaanka iyo daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya iyo Al-Shabaab dagaalkaas oo ka dhacay deegaanka jeexjeexa oo hoostaga Magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaalka oo saacado badan socda ayaa soo gaaray caawa gabal dhicii waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dagaalka khasaaro lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Saaka ayaa Ciidanka xoogga dagaal culus ku qaadeen goobo ay Al-Shabaab u isku aruuursanayeen, iyada oo la burburiyey xarumihii Al-Shabaab ee lagu dagaalamay.

Ciidamada kala duwan ayaa hadda dhinacyada ka fadhiya Magaalada Caad halkaas oo qorshuhu yahay in dhawaan laga xoreeyo Al-Shabaab.