Mahadaay-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan AMISOM Qarax lagula eegatay halkaasi.
Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa ciidamada Midowga Africa ee AMISOM waxaa lagaula eegtay duleedka degmada Mahadaay, iyadoo halkaasi uu ka dhsahay khasaare soo gaaray ciidanka AMISOM.
Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala usheegay in Qaraxa khasaare uu gaarsiiyay ciidanka AMISOM balse aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha.
Taliska Ciidanka AMISOM ayaanan ilaa iyo hada ka hadlin Qaraxa la sheegay in ciidankooda lagula beegsaday duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wali ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa ciidanka AMISOM maanta laguala eegatay gobolka Shabeelaha Dhexe.


