DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay colaada ka taagan Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa amniga magaalada Gaalkacyo iyo arimo badan oo ka jiray magaaladaasi.

C/wali Gaas ayaa sheegay in dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay ee Galmudug iyo Puntland uu dhib weyn u geystay magaalada, walina aysan xiisadiisii dhamaaan oo tahay xaalad taagan.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in maalmihii udambeeyay dilalkii ka dhacay Gaalkacyo ay geysanayeen kooxo aan ogoleyn nolosha iyo isku xirnaanshaha Puntland iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay in Puntland ay difaacayso amniga iyo daganaanshaha dalka oo dhan, gaar ahana magaalada Gaalkacyo oo meel muhiim ah uga taala maamulka Puntland.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay Gaalkacyo meelo badan loo tiirinayo, isagoo tilmaamay in aan laga hari doonin oo talaabo cad laga qaadi doono qof kasta oo lagu tuhmayo falalkaas.