Sacuudi-RisaalaFM- War qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa Muslimiinta loogu baaqay in beri galab oo Isniin ah, kuna began 29-ka Bisha Barakeysan ee Ramadaan la fiiriyo bilashada Bisha Shawaal.
Warkan qoraalka ah oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Sacuudiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ay codsanyso cid allaale cidii Isheeda ku aragta ,ama qalabka mikarasoobka ee aragga soo dhaweeya, in ay gaarsiyaan Maxkamadda ugu dhow ee dalka Boqortooyada Sacuudiga si loo diiwaangeliyo shahaadada cidda kale ee la aragtay.
Dalalka Islaamka ah ayaa baadi goob ugu jira bilshada Bisha Shawaal si Muslimiinta dhexdooda uusan khilaaf iyo muran uga dhex dhalan.


