Muqdisho-RisaalaFM- Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira in ay cadeeyaan Xubnaha Aqalka Sare magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Banaadir in muddo ah in la sugaayo cadeynta Xubnaha Aqalka Sare ee Muqdisho, balse hada la joogo waqtigii la cadeyn lahaa.
Madaxda Maamul Goboledyada iyo madaxda dowladda ayuu sheegay in ay muhiim tahay in ay ka shaqeeyaan cadaalada oo dadka Soomaalida oo dhan ay tahay arin dani ugu wada jirto.
Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada ayuu sheegay inay dib u eegis ku sameyn karaan Heshiiskii ay horay u wada gaareen.
Waxaana maanta magaalada Muqdisho shir Labo maalmood socon doona uu uga furmay Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada dalka, iyaga oo ka hadlaya arinta Aqalka Sare ee dalka.


