Dumar Soomaaliyeed oo lagu xukumay Mareykanka

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday labo qof oo dumar ah kana soo jeeda Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa ku eedeeysay Haweenka Soomaaliyeed in ay taageero u fidiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay dalka Mareykanka dhaqaalo badan oo ay kasoo aruuriyeen in ay usoo direen Al-Shabaab.

Haweenka xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala magacabaa  Muna Cusman Jaamac, oo  36 Sano jir ah kuna nool Magaalada Reston ee Virginia, iyo sidoo kale  Hinda Osman Dhirane oo  46 sano jir ah kunanool Magaalada Kent Washington.

Gudoomiyaha Maxkamadda  Xukunka ku riday Haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay heleen Caddeymo muujinaya dambiyadda lagu soo eedeeyay ,islamarkaana ay qirteen in ay taageero u fidiyeen Al-Shabaab.

Muna Cusman Jaamac ayaa waxaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ,halka Hinda Cusmaan Dhiirane lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.

Qareenada Difaacaya Muna Cusmaan Jaamac iyo sidoo kale Hinda Cusmaan Dhiirane ayaa sheegay in lacagaha  ay u direen dad kunool Soomaaliya oo aan aheyn Shabaab.