DHAGEYSO: Maamulka Hirshabeelle oo dhisaya Dekedda Ceelmacaan

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in ay dhisayaan Dekedda Ceelmacaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka shaqeynaayaan sidii uu maamulka Hirshabeelle ay u yeelan lahaa Gaabayaal dhaqaale oo maamulka ku filan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dekedda Ceelmacaan ay u shaqeyn doonto sida ay u shaqeeyaan Dekeddaha Boosaaso iyo Muqdisho.

maamulka Hirshabeelle ayaa doonaya in ay dib u habeyn ay ku sameeyaan kaabayaasha Dhaqaalaha degaanada maamulka Hirshabeelle.