Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka Konton ee gobolka Wajeer, oo ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, ayaa iska caabiyay weerar ay ku qaadeen maleeshiyaad looga shakisan yahay Al-Shabaab.
Saraakiisha ayaa sheegay in dhacdadu ay dhacday fiidnimadii Sabtida, 22-ka Agoosto 2026, xilli ciidamada KDF ee saldhiggoodu yahay xerada Konton ay ku jireen roondo guur-guura.
Intii ay ciidamada ku guda jireen roondada, ayay la kulmeen koox ka tirsan Al-Shabaab oo aan la ogeyn tiradooda. Maleeshiyaadka ayaa rasaas ku furay ciidamada, kuwaas oo si degdeg ah uga jawaabay weerarka, isla markaana dagaal la galay kooxdii weerarka soo qaaday.
Sida uu sheegay mas’uul deegaanka ah, ciidamada Kenya ayaa ku guuleystay inay dib u riixaan weeraryahannadii, kuwaas oo markii dambe u cararay dhanka Soomaaliya, iyagoo dib ugu laabtay goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.
Dhamaan askartii ka qeyb qaadatay roondada ayaa la xaqiijiyay inay badqabaan, waxaana la sheegay in aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ciidamada kasoo gaaray iska horimaadka.
Ciidamada ammaanka ayaa heegan sare la geliyay deegaanka, iyadoo baaritaanno socda lagu ogaanayo tirada iyo cidda ay ahaayeen kooxdii weerarka qaaday, iyo haddii ay jiraan waxyeello kale oo ka dhalatay weerarka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee ka jira xuduudda waqooyi ee Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo ciidamada Kenya ay kordhiyeen roondooyinka iyo la-socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan.
Wararka ayaa sheegaya in bilihii lasoo dhaafay ay kordheen weerarrada loo adeegsado in lagu tijaabiyo awoodda iyo feejignaanta ciidamada ammaanka, iyadoo la rumeysan yahay inay kooxaha Al-Shabaab qorsheynayaan weerarro waaweyn oo ka dhan ah saldhigyada ammaanka.
Weerarro noocan ah ayaa laga soo sheegay deegaanada Mandheera, Gaarisa iyo Lamu, waxaana saraakiisha ammaanka ay rumeysan yihiin in weerarradu yihiin kuwo lagu qiimeynayo xaaladda amni iyo jawaabta ciidamada.
28-kii Luulyo 2026, lix askari oo Kenyan ah, oo ay ku jireen shan xubnood oo ka tirsanaa Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah (SOG) iyo hal askari oo ka tirsanaa Ciidanka Kaydka Booliska (NPR), ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Mandheera.
Askarta ayaa la sheegay in gaari ay saarnaayeen uu dul maray miino nooca qarxa ah (IED) oo lagu aasay deegaanka El-Raamo ee Kutulo, kuna dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
Sida laga soo xigtay ilo amni, miinada ayaa la rumeysan yahay in la dhigay 21-kii Luulyo, iyadoo maleeshiyaadku ay halkaasi ku dhuumaaleysanayeen, si ay u weeraraan ciidamada marka ay kasoo baxaan roondada.
Qaraxa kadib waxaa xigay is-rasaaseyn xooggan oo dhexmartay ciidamada Kenya iyo kooxdii weerarka qaaday, waxaana halkaasi lagu dilay shan askari oo ka tirsanaa SOG iyo hal askari oo ka tirsanaa NPR.
Weerarkan ayaa muujinaya khatarta joogtada ah ee ay Al-Shabaab ka wadaan xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo ciidamada Kenya ay muddo dheer wadeen howlgallo ka dhan ah kooxda.
Ciidamada Difaaca Kenya ayaa Soomaaliya gudaha u galay 14-kii Oktoobar 2011, xilli dowladda Kenya ay sheegtay in weerarro iyo afduubyo ka dhacay xuduudda ay khatar ku noqdeen ammaankeeda iyo waaxda dalxiiska.
Tan iyo xilligaas, Kenya waxay qayb ka ahayd dadaallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.



