Midowga Yurub oo ka digay Abaarta Soomaaliya

Ururka Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen in Abaarta ka jirta Soomaaliya ka digayaan in ay ka dilaacaan Cudurro dhibaato badan u geeni kara Bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adaha gargaarka ee Midowga Yurub ayaa ka digay in dalka Soomaaliya oo ay haatan ka jiraan abaaro ba’an ay dadku sidoo kale wajahayaan xannuuno ay kamid yihiin daacuunka.

Madaxa gargaarka Midowga Yurub u qaabilsan  Soomaaliya Mr Johan Heffinck ayaa sheegay in sanadkaan oo keliya la diiwaan geliyay in kabadan 18 kun oo kiis oo cudurka daacuunka ah, Halka sannadkii aynu soo dhaafnay la diiwaan geliyay in kabadan seddex kun oo kiis.

Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka uu ku dhacay xannuunada ka dhashay abaaraha tiradooda ay sare u sii keceyso.

Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool iyo Gedo oo lagu warramayo in qiyaastii 600 oo qof oo qaba xannuunno kala duwan oo abaaraha ka dhashay la seexiyay xarumo caafimaad.

Waxay u muuqataa in xaaladda abaarta ay sii xumaaneyso iyadoo qeybo ka mid ah degaanada Soomaaliya laga billaabay in loo gurmado dadka ay gaajadu hayso.

Qaramada Midoobay waxay horay uga digtay in abaarahani ay isu bedeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011-kii. Markasoo kumanaan qof ay dhinteen.