DHAGEYSO: Barnaamij gaar ah oo Hambalyo loogu diray Agaasimaha Risaala Ustaad Maxamed iyo Drs. Farxiyo “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho Todobaadkii ina dhaafay oo Taariikhda ay ku beegneyd 24-kii Maarso waxaa ku Aqal galay oo Arooskooda uu ka dhacay Agaasimaha Idaacadda Risaala Muqdisho Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi iyo Marwadiisa Drs. Farxiyo C/laahi Maxamuud.

Waxaa ku mahadsan Alle ka sokow kana shaqeeyay hirgelinta Howshaan Labada Qoys iyo Qaraabada, maadaama waqti iyo juhdi badan ay geliyeen qabsoomida Munaasabadan.

Sidoo kale waxaa howshaan kaalin weyn ka qaatay saaxiibada ka kala socday Ustaad Maxamed iyo Drs. Farxiyo, waxaana sidoo kale aanan ka marneyn mahadcelinta shaqaalaha Idaacadda Risaala oo isku duuban.

Waxaan leenahay Ustaad Maxamed C/wahaab  C/laahi iyo Marwadiisa Drs. Farxiyo C/laahi Maxamuud Allaha idin kala siiyo Ubad kheyr qaba oo baari idin noqda. AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Halkaan Hoose ka dhageyso Barnaamij gaar ah oo shaqaalaha Risaala ay Hambalyo ugu dirayaan Ustaad Maxamed C/wahaab  C/laahi iyo Marwadiisa Drs. Farxiyo C/laahi Maxamuud, waxaana soo jeedinaya Deeq Xuseen Deeq.

 

PHOTOS:- C/qaadir iyo Abdirashiid Dubad

k1 k2 k3 k14

k7 k4

k5 k6 k8 k9 k10

DSC_0927 k11 k12 k13 k14