Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu-sunna ee Gobolada Dhexe C/laahi Xirsi Diirshe (Daacad) oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay muhiim in a tahay in la wadaago talada Doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Waxa uu sheegay in ay ku taliyeen ummadda wax iyada ay raali ku tahay in loo dhiso, maadaama shacabka ay yihiin dad isla dhashay oo isku dan ah, loona baahneyn dad gaar ah in ay hoggaamiyaan Doorashada waa sida uu yiri.
Sidoo kale Madaxweyne C/laahi Xirsi ayaa ku baaqay in fara gelinta laga daayo shacabka, wuxuuna ku taliyay muhiim in ay tahay in la isa sugo, maadaama hal meel loo wada socdo.


