Madaxweynaha Somaliland oo yiri “dhulkeenna laguma waxyeelleyn askari Mareykan ah”

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho ku jooga Mareykanka, ayaa khudbad ka jeediyay Machadka Hudson Institute ee magaalada Washington, D.C., halkaas oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira Somaliland iyo guudahaan gobolka.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay tahay meel nabdoon, isla markaana muddo dheer aysan ka dhicin wax weerar ah oo lagu bartilmaameedsaday muwaadiniin ama ciidamo Mareykan ah.

“35 sano oo la soo dhaafay, Somaliland kama dhicin waxyeello ama weerar loo geystay askari Mareykan ah. Dhulkeenna iyo biyahayagana loogama hanjabin markab ama diyaarad Mareykan ah,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Wuxuu intaa ku daray in “Somaliland aysan marnaba noqon meel ay hoy ka dhigtaan kooxaha ka soo horjeeda Mareykanka”.