Dr. Fuje oo Imaamyada Masaajida ugu baaqay in ay qaataan talooyinka Caafimaadka

Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) oo ah Lataliye Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada u diray fariin wacyigelineed, gaar ahaan Imaamyadda Masaajidda Muqdisho oo uu sheegay in aysan qaadan talooyinkii Caafimaadka ee Wasaaradda.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay xaqiiqo tahay in gudaha Masaajida Muqdisho oo dad badan ay isugu yimaadaan uu ka faafayo Cudurka Corona Virus.

Dowladda Hoose ee Muqdisho ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaato xakameynta Cudurka gaar ahaan in Masaajida laga hirgaliyo talooyinka Caafimaadka.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay  in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.

Waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee Cudurka Covid 19 hadda ugu dhintay Soomaaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.